Professor Axmad I. Samatar iyo Madaxweyne Shariif oo ka mid noqday Musharaxiinta Buuxisay Shuruudihii Doorashada


Presidentail candidate-Prof. Samatar

Wadhaf News—Sep. 06, 2012:  Professor Axmad Ismaciil Samatar, Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan murashaxiinta u taagan doorashada madaxnimo ee dalka ayaa ku biiray xubnihii horay u buuxiyay shuruudihii uu ku xiray guddiga doorashada madaxweyne ee Soomaaliya.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar o ka socda Hiil Qaran, Shariif Sheekh Axmed, iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u gudbiyay guddiga doorashada warqadihii ay soo buuxiyeen, kuwaasoo ay ku qornaayeen shuruudo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, in murashaxu uu bixiyo 10,000 oo dollar oo lagu shubo Baanka Dhexe ee Somalia.

Doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxay dhacaysaa 10-ka bishan September, iyadoo guddiga uu tan iyo billowgii bishan waday diyaagarowga sidii ay ku dhici lahayd doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.

“Maanta ayay ku eg-tahay qabashada araajida, illaa iyo haddana waxaa buuxiyay shuruudihii looga bahnaa siddeed murashax,” ayuu yiri afhayeenka guddiga mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo saxaafadda la hadlay.
Afhayeenka guddiga ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in 37 murashax ay siiyeen warqadihii ay kusoo buuxin lahaayeen shuruudihii looga bahaa, isagoo sheegay inay dhici karaan in murashaxiintaas qaarkood aysan dib u soo celin warqadihii ay qaateen.

Magaalada Muqdisho oo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ka dhacayso kadib 42-sano, ayaa waxaa dadaal weyn ugu jiray qabashada xilkan ugu sareeya siyaasiin fara badan oo qaarkood horay xilal uga soo qabteen Soomaaliya. Siyaasiintaana waxaa ka mid ah aqoonyahano soomaliyeed oo dadaal ugu jira sidii ay dardar cusub iyo dhiig cusub ugu shubu lahaayeen siyaasada Somalia ee dhul jiifka noqotay.

Aqoonyahanadaas waxaa ugu tun weyn Prof. Samatar oo dadka reer Muqdisho u arkaan aqoonyahan siyaasi ah oo wax weyn ka badali kara Somalia maadaamuu aqoon balaadhan u leeyahay hogaanimada iyo sida loola dhaqmo dawlada caalamka. Sidoo kale, dad badan ayaa u arka Professor Samatar musharaxa qudha eek a sharxan urur siyaasadeed aan sal qabiil lahayn, waana qodobka miisaan u yeelaya musharaxnimadiisa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa diyaargarow loogu jiro doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya, iyadoo murashaxiinta qaarkood ay sameynayaan ololayaal ay ku doonayaan inay ku kasbadaan codadka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo madaxweynaha dooran doona.

Wadhaf News-Muqdisho

Share SHARE