War deg deg ah: Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Somalia

Wadhaf News-Sep.10, 2012: Doorashadii madaxweynenimo oo hadda soo gabagabowday ayaa afka dhulka loo daray Shariif Sheekh Axmad, waxaana Madaxweyne loo doorty nin aqoonyahana magaciisuna yahay Xasan Sheekh Maxamada oo helay cod dhan boqol iyo sagaashan halka Sheekh Shariif ku guulaystay todobaatan iyo sagaal cod.

Madaxwynaha cusub ee Somalia ayaan ku jirin musharaxiinta la filaayay. Abdiweli gaas oo weriigii kowaad keenay 30 cod ayaa tartarka labaad ka hadhay. Halkaana waxaa ka muuqata in madaxdii hore ee dawladii ku meel gaadhka ahayd xukunka laga tuuray.

Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa si rasmi ah ug dhawaaqay natiijada.

Ka dib gudoomiyaha gudiga doorashada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Somalia ka baxday ku meel gaadhkii. Gudoomiyuhu waxay sheegtay in maanta ay farxad weyn u tahay ummada Somalia.

Madaxweynaha cusub wuxuu kuwii hore uga duwan yahay waxa weeyi, iyay tidhi gudoomiyuhu, waa kii u horeeyay ee ciidiisa lagu doorto.

Ka dib waxay makarafoonka ku wareejisay Madaxweynaha hore mudane Shariif Sheekh Axmad oo aqbalay natiijada una hambalyeeyay Madaxweynaha cusub.

Ka dib waxaa Gudoomiyaha Maxkamada sare dhaariyay Madaxweynaha cusub oo ku dhaartay Kitaabka Kariimka.

Ka bacdi waxaa hadalkii qaatay Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay qudbadiisii u horaysay. Wuxuu si weyn ugu mahadnaqay xildhibaanada iyo shaqaalihii u dhabar adaygay munaasibada doorashada.

Wuxuu ugu mahadnaqay Madaxweynihii hore oo uu ugu yeedhay saxiibkiisii shalay, kii maanta iyo saxiibkiisa bari, wuxuuna ku sheegay inuu isbadalka dhacay uu aad ugu amaananyahay hawshii u soo qabtay.

Beesha caalamka ayuu waliba u mahadnaqay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Hambalyo Madaxweyne

Wadhaf News

Share SHARE