Wadhaf News-Sep.21, 2012: Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegtay in wax laga bedelayJadwalka Idaacadda, Telefisnka iyo guud ahaan warbaahinta Qaranka si tacsida loola qeybsado ehelada iyo qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii shalay ku nafwaayay qaraxyadii lagu weeraray dadkaasi oo joogay maqaayad lagu shaaho.
Agaasimaha Warbaahinta ee wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Alcadaalla ayaa ku dhawaaqay in wax laga bedelay Jadwalka Idaacadda Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka, si tacsida loola wadaago ehelada dadkii shalay sida gardarrada ah lagu laayay.
‘’fal kasta oo ay ku kacaan kooxdaasi nagama hakin karaan howsha aan bulshada ugu adeegeyno, jadwalka idaacadda iyo Telefishinka waxbaan ka bedelnay si aan tacsida ula qeybsano qoysaska iyo ehelada ay ka geeriyoodeen dadkaasi gaar ahaan halyeeyadii ka geeriyooday warbaahinta qaranka’’ ayuu yiri C/raxmaan Alcadaala agaasimaha warbaahinta.
Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxii wararka ee Telefishinka Qaranka iyo C/sitaar Daahir Sabriye oo isna ahaa madaxii barnaamijyada ee Telefishinka ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii shalay, waxeyna ahaayeen halyeeyo geesiyaal ah oo halgan dheer usoo galay in ay ummadda usoo bandhigaan wanaagga horumarka iyo wadaninimada, waana kuwo aanuu magacoodu ka go’I doonin quluubta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Bahda Wadhaf News ayaa nacdal dusha uga tuuraysa kuwa soo abaabulay dhagartaa lagula kacay ummada soomaliyeed gaar ahhan bahda saxaafada. Waxaan si buuxda u cambaaraynaynaa falkaa waxashnimada leh ee lagula kacay shacab iyo wariyeyaal aan waxba galabsan. Ilaahay ha u naxaraxiisto muwaadaniinta falka waxashnimada leh ku geeriyooday gaar ahaan suxufiyiinta bulshada u hayay hawl muhiim ah. Ehelkoodii iyo bahda saxafaada soomaliyeed waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo.
Dhagayso Hadalkii Agaasimaha Warbaahinta
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Wadhaf News





