Abwaan Maxamad Xaashi “Gaariye” oo Geeriyooday(AHN) iyo Tacsidii Wadhaf News

Inaali Laahi Wa Inaa Ilaahi Raajucuun

Wadhaf News-Oct.01, 2012: Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyee, waxa xalay wakhti xilli yar uun ka dambaysay saqdii dhexe ku geeriyooday dalka Norway marxuum abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”. Marxuumku waxa uu muddooyinkii u dambeeyey xanuun u jiifay cusbitaal ku yaal magaalada Hammar ee dalka Norway.

Haddii aanu nahay bahda Wadhaf News waxa aanu geerrida marxuumka uga tacsiyeynaynaa guud ahaan bulshada Af-soomaaliga ku hadasha, gaar ahaan bahda hal-abuurada, faanka  iyo dhaqanka soomaliyeed iyo qoyskiisii eheladiisii iyo asxaabtiisa.

Abwaan Gaariye wuxuu ahaa aqoonyahan soomaliyeed iyo abwaan mug weyn oo suugaaanta soomaliyeed baal weyn kaga jiray. Abwaanka wuxuu ka mid ahaa abwaanadii daadihinaayay silsiladii caanka ahayd ee Siinleey ee todobaanadii.

Marxuum Maxamed Xashi Dhamac Ilaahay naxariistiisa Janno ha ka waraabiyo. Aamiin

Wadhaf News

 

Share SHARE