Aniga oo ah sahra Cige Guuleed kunna hadlaaya magaca dhamaan Reer Cige Guleed iyo reer Aw Aden Abdi waxan halka hambalyo iyo ducaba uga diraya Samatar Hassan Aden iyo Axlaam Abdikarim Cige oo maalintii Ciida ee 26-ka October 2012 ku aqalgaley magalada Ottawa ee dalka kanada.
Waxan leeyahey guurkinu ha ahaado guur kheyr leh, guriginuna ha ahaado guri kheyr. Waxaan Ilaahay ka baryaynaa inaad noqotaan lamaane isku reeya oo Rabigeen kala siiyo awlaad keyr oo lagu farxo. Amiin.
Sidoo kale, Bahda bahda Xeego News, waxaan Sahra Cige kala qaygalaynaa farxada iyo tahniyada carooska sharafta leh ee maamuuska weyn xambaarsanaa ee ka dhacay habeenkii ciidii magaalo madaxda Canada ee Ottawa.
Waxaan Caroosada Axlaam iyo Carooska Samatar leenahay hambalyo, noqdana reerkii lagu nastee lagu nagaadee. Waxaan Ilaahay idiinka baryaynaa raaxo, awlaad khayr qabta iyo farxad aan dhamaan.
Waxaan kaloo munaasabadan carooska awdadii tahniyad u diraynaa sodogyada sharafta leh ee kale ah Cabdikariin Cige iyo xaaskiisa Caasha Dahir iyo Xasan Aw Aadan iyo xaaskiisa Foosiya Xasan iimaan.
Hambalyo. hambalyo iyo hambalyo.
Wadhaf News






