Wasiirkii Hore ee Maaliyada /Dhaqaalaha Maxamad Cali Saaxil ee horeyna u ahaan jirey Xoghayaha Guud ee Xisbiga RPP ayaa ku geeriyooday dalka faransiiska (AHN)
Wadhaf News-Dec.11, 2012: Waxaa na soo gaadhay war naxdin leh oo shaaca ka qaaday geeri murugo leh oo ku timid Allah u naxariistee Maxamad Cali Maxamad ( Ina Cali Saaxil) oo horey u ahaa siyaasi weyn oo jagooyin kala duwan ka soo qabtay xukumadihii kala duwanaa ee dalka Jabuuti soo maray. Marxuunku wuxuu habeenkii bishu ahayd siddeed(08/12/2012) ku geeriyooday isbitaal ku yaala caasimada faransiiska ee Paris. (Inaalilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajucuun).
Maxamad Cali Saaxil wuxuu ku dhashay magaalada Jabuuti 29 bishii Afraad 1952-kii halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashadiisii dugsiyada hoose iyo dugsiyada dhexe ka hor intuuna shaqaale dawladeed ka noqon wasaarada Ganacsiga oo u ka gaadhay inuu wasiir ka noqdo.
Maxamad Cali Saaxil wuxuu ka mid ahaa madaxda sarsare ee xisbiga talada haya ee RPP, wuxuuna 1982-kii noqday xildhibaan golaha barlamanka isagoo soddon jir ah. 1992-kii ayaa mar saddexaad loo doortay inuu ka mid noqdo barlamanka dalkaas.
Bishii juun 1995-kii ayaa loo magacaabay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda jagadaas oo uuu uga digga rogtay wasaarada Ganacsiga bishii Disembar 1997.
Isagoo noqday Xoghayaha Guud ee xisbiga RPP, Maxamad Cali Saaxil waxaa bishii May 1998-kii loogu yeedhay inuu noqdo wasirka Tamarta iyo Khayraadka Dabeeciga ah.
Maxamad Cali Saaxil wuxuu ahaa xildhibaan barlamaanka ka tirsan laga bilaabo 1982-kii ilaa January 2003-kii, golaha wasiiradana wuxuu ka tagay March 2008-kii.
Maxamad Cali Saaxil, Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa siyaasiinta ugu sameecada wanaagsan ee dalka Jabuuti wuxuuna ahaa shaqsi reer magaal ah oo karaamaynta muwaadinimadu u ahayd nabda’a u soo hooyay samcad wanaag uu ka helo bulshadiisa . Dadweynaha Jabuuti iyo dalkuba wuxuu waayay muwaadin adeege fiican u ahaa.
Bahda Wadhaf News waxay tacsi gaar ah u diraysaa dhamaan shacbiga reer Jabuuti gaar ahaa qoyskii, eheladii iyo axsaabtii balaadhnayd ee u ka baxay , Alla ha u naxariistee, Marxuun Maxamad Cali Saaxil. Waxaan Marxuunka Ilaahay uga baryaynaa inuu Janadiisa Farduusa ka waraabiyo , qoyskii, ehelkiisii iyo dhamaan reer Jabuutina waxaan leenahay samir iyo iimaan buuxa Ilaahay Marxuunka ha iniga siiyo. Aamiin.
Wadhaf News






