BOORAMA MA TOOSTAY….(Video+sawirro)

Ka dib maqaalkii ducada ahaa een ugu magacdarnay ” Come On Borama, please Stand Up”, waxaa dhagahayaga ku soo dhacay bilow wanaagsan oo ah bilowgii kacdoonka reer Boorama laga sugaayay. Thank you and go on, don’t stop to say NO and NO to Silaanyo.

 

Wadhaf News-December 30, 2012: Warka ugu dambeeyay ee ka soo baxaya kacdoonka shacbigu wuxuu tibaaxayaa in shacbigu u kala hadhin si ay u muujiyaan sida ay u diidan yihiin waxa ka suurtoobay Siilaanyo ee uu ku damacsan yahay inuu ku afgambiyo codkii shacbiga Saylac iyo ujeedooyinka khaayinimada ah ee lagu damacsan yahay in dadkii dhulka lahaa hawada loo diro. Maamulka Hargaysa wuxuu weli damacsanaa inuu Ina Biixi iyo odeyaal isaga ka socda Boorama u soo diraan si Boorama looga iibiyo fikirka dhabarjabka ku ah qoomiyada Gadabuursi.

Mudaharaad balaadhan ee goor dhawayd ka bilaabmay xarunta gobolka Awdal ee Borama waa mid bilow ah oo cashar u dhigi doona nimanka beenta aaminay ee xishoodka hayinimo u qaatay. Shacbiga reer Boorama ee kacdoonka bilaabay ayaa muujinaayay siday uga cadhaysan yihiin xaalada ka taagan degmada saylac iyo dhaarin la’aanta aan weli la dhaarin xildhibaanada cusub ee scodkii dadweynaha ku soo baxay. Dhalinyaradan mudaharaadaysa ayaa si weyn uga cadhaysan faragelinta qaawan ee xukuumada Siilaanyo ku hayso degmada Saylac kuna doonayso inay sharciga baalmarto kuna. mudaharaadkan ayaa u muuqda mid u socda si nabad gelyo leh taasoo dhalinyaradu u socdaan raxan raxan iyagoo ku dhawaaqaya hadalo ka dhan ah madaxweyne siilaanyo iyo maamulka Somaliland ee is mahadiyay.

Hoos ka daawa sawiro hor dhac oo kacdoonka laga soo qaaday:

Share SHARE