Wadhaf News: Dec.30, 2012 ( Boorama 17:30) Wafti Reer Hargaysa ah ayaa galabta afartii galabnimo Boorama soo gaadhay, waftigaa oo shacab gadoodsani Garayacawl kaga hortegeen si ay isku hortaagaan waftigaa Siilaanyo soo diray oo u socda qadiyada Saylac.
Warkan oon daqiiqado ka hor ka helnay Boorama ayaa cadaynaaya ina dadka gadoodsani baacsadeen baabuurtii waftiga siday oo wadadii Boorama ee laamiga ahayd ka baxay oo qardajeexay. Ka dib waftigii ciidamada boliiska ayaa u gurmaday oo dajiyay huteel Rays halkaas oo imika ahaa rasaas lagu daafacaayo, shacbiga gadoodsana huteelka ku meersanyihiin.
Suldaanada Awdal mid ka mid oon khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa cadeeyay in sacaadan wali rasaas socota lana sheegayo in dhaawac jiro. Suldaanku wuxuu isagoo aad u cadhaysan noo xaqiijiyay oo hadalkiisii ka mid ahayd: “ Dawladii ayaa nagu soo duushay oo weerar cad soo qaaday wixii halkaa ka dhashana iyadaa ka masuul ah”, ayuu suldaanku carabka ku dhuftay.
Mar aan waydiinay xaaladu inay u eegtahay nmid dagaysa, wuxuu Suldaanku noo sheegay in dad lagu soo duulay waxba la hadhidoonin.
Sidoo kale, mar aan waydiinay halka uu maraayo xaalka Saylac iyo waftigii dawlada ee halkaa ku sugnaa, suldaanku wuxuu oogu jawaabay in dadku isku duuban yihiin shacbi iyo siyaasiba, dhamaana layska war hayo oo cid si gooniya wax u wadaa inayna jirin. Maanta waxaad nagu ogaataan “ Difaac” ayuu suldaanku hadalkiisii ku soo afjaray isagoo degdegsan xaalada murugsan awgeed.
La socda wararkayaga dambe.





