Wadhaf News-Dec.31, 2012: Ka dib fadeexada xukumada Somaliland ka wado degganka Saylac iyo ciidanka oo dad ku laayay Boorama, waxaa saxaafada maanta waraysi dheer siiyay Dr Ali Ibrahim Bahar oo ka mid aqoonyahanada ka soo jeeda deggaankaas Saylac oo deggan magaalada Houston ee dalka Maraykanka, isla markaana ah Hogaanka sare ee Ururka Lead. Dr Ali Bahar waraysigaa u siiyay Radio Cadceedsi wuxuu si qoto dheer uga hadlay xaalada cakiran ee ka taagan degmada Saylac ee ka dhalatay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay iyo faragalinta badheedhka ah ee Xukumada Siilaanyo ku damacsantahay inay ku afgambido xildhibaanadii degaanka ee shacbigu soo doortay.
Natiijadii doorashadu deggaanka Saylac ee la damacsan yahay in lagu xadgudbo waxay aqlabiyada deegaanka Saylac ku guulaysteen 10 xildhibaan oo ka soo jeeda beesha aqlabiyada ka ah Gobolka Selel, inkastoo ilaa iyo hadda aan la dhaarin, waana sobobta maanta keentay in Shacbiga Awdal iyo Salal ka gadoodaan iyagoo fahansan in Madaxweyne Siilaanyo si toos ah u soo farageliyay isla markaasna jeclaystay inuu sharciga iyo nidaamka ka leexdo kana dhigo Maayarka Saylac shakhsi ka soo jeeda beesha laga guulaystay ee Ciise Arrintaas oo dhalisay dhimasho iyo dhaawac masuuliyadooda iska leedahay Siilaanyo. Dhagaysi wacan:
Wadhaf News





