Maamulka cusub ee degmada Saylac oo si rasmi ah loo dhaariyay

Wadhaf News-Jan.01, 2013: Ka dib isku daygii Xukumada Somaliland isku dayday inay ku kala tuurto natiijadii ka soo baxday doorashadii degaanka degmada Saylac waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyay gudiga maamulka degmada Saylac oo halkaa ku doortay Maayar iyo ku xigeen cusub. Ka dib markii Xukumada Somaliland ku guul daraysatay iskuday qayral sharci ah oo la damacsanaa in hogaanka Saylac loo gacan galiyo beesha doorashooyinka lagaga adkaaday, waxaa khasab noqotay in xildhibaanadii shacbigu doorteen lagu wareejiyo talada maamulka degmada Saylac  inkastoo jid dheer oo dhiig, dhaawac iyo isaseeg siyaasadeed loo sii maray in xaqu guulaysto.

Mayarka cusub ee golaha degaanka Saylac waxaa loo doortay Xuseen Iidle , halka ku xigeenkiisana loo doortay Sacad Daahir.

Si kastaba ha ahaatee, xiisada doorashada Saylac ka dhalatay waxay khasaare weyn u soo hoysay maamulka Somaliland oo gu’ kaga dhacay ficilkeedii gafka ahaa ee ay ku damacsanayd inay xaqa ku dumiso. Inkastoo xaqu halkiisii ka dhawaaqay, waxaa hubaal ah in dhacdadan dabadeed Somaliland ahaan doonin wixii ay ahayd “Saylac” ka hor marka laga eego dhinacwalba.

Waxaa weliba dhaawac gaadhay kalsoonidii ka dhaxaysay beelaha Gadabuursi iyo Ciise, waayo beesha Ciise damaceega ka sokow waxay ku dhaqaaqday talaabo siyaasad ahaan khalad weyn ahayd iyagoo isku dayay inay adeegsadaan Dawlada Jabuuti yaraystaana Gadabuursi oo marnaba xumeeyeen Ciise hadduu dariiqa toosan soo mari lahaa. Awaaqib xumadaasi waa mid saamayn doonta xidhiidhka labada beelood iyo siyaasada Jabuuti lafteeda.

Wadhaf News

Share SHARE