Waraysi xiiso leh oo Somali Channel la yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaia

Wadhaf News-Jan.05, 2013: TV-ga Somali Channel ayaa waraysi xiiso leh la yeeshay wasiirka Arrimaha Dibada ee Somalia islamarkaana ah Ra’iisal Wasaare, Foosiya Xaaji Aadan oo socdaal ku joogta dalka Ingiriiska halkaas oo ay kula kulantay dhigeega Ingiriiska Mr William Hague iyo bulshada Somaliyeed ee deggan dalkaasi. Wasiiradu waxay faahfaahin ka bixisay wadahadaladii ay la yeelatay madaxda Ingiriiska iyo gaar ahaan dib-u-habaynta ay ka wado wasaaradeeda gaar ahaan safaaradaha Somalia ay ku leedahay dibadaha.

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=6nEsYiLyfXM Wadhaf News

Share SHARE