Wasiirka Arrimaha Dibada Maamulka Somaliland oo Arrinta Saylac ka Beensheegay

Wadhaf News-Jan.06, 2013: Somali Channel ayaa waraysi dheer la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maamulka Somaliland. Wasiirku oo mawduucyo badan laga waraystay wuxuu si xaqiiqada ka fog uga jawaabay mashkalada golaha deggaanka Saylac ee dhimasho iyo dhaawac badan keentay. Wasiirku wuxuu dafiray in Maamulkiisu wax farogalin ah ku yeeshay doorashooyinkii Saylac ka dhacay isagoo og in Madaxweynihiisu wafti lix wasiir ah iyo odey dhaqameedyo Boorama u soo diray  si toos ahna uga dalbaday beesha aqlabiyada heshay inay uga tanaasulaan beesha kale jagada duqa Saylac. Jawaabaha khaldan ee Wasiirku arrintaas ka bixiyay waxy markhaati ka tahay talaabada khaldan ee maamulka Silaanyo ku maareeyay arrinta Saylac. Dhagayso:

Share SHARE