Waraysi Xiiso Leh oo Lala Yeeshay Madaxa Dalada Mucaaradka Jabuuti, Ismaciil Geedi Xareed

Wadhaf News-Jan.14, 2013: Waxaan idiin soo gudbinaynaa wareysi xiisa badan oo Radio-Cadceed la yeeshay madaxa dalada mucaaradka Jabuuti (UAD) Ismaaciil Geedi Xareed ahna madaxa xisbiga UDJ oo kaa mid ah dalada UAD.

Ismaciil Geedi Xareed waa siyaasi ruug cadaaya oo ka tirsan mucaaradka dalka Jabuuti. Wuxuu horey u ahaa Agaasimihii Xafiiska Madaxweyne Guuled, jagadaas oo loo magacaabay 27juun 1977, wuxuuna jagadaas ka tagay 1997-kii markaas oo ay iska horyimaadeen Madaxweyne Guuleed iyo Ismaciil Cumar Geele oo kaga adkaaday gacan ku hayta talada xisbiga RPP oo ay markaas kawada tirsanaayeen. Ka dib Geedi Xareed wuxuu ku biiray mucaaradka ka soo horjeeda xukunka madaxweyne Geele. Wuxuu aas-aasay ururka siyaasadeed ee UJD. Ka dib wuxuu noqday hogaamiyaha dalada mucaaradka jabuuti oo ay ku bahoobeen dhowr xisbi iyagoo la baxay magaca UAD (Ururka Isbadalka Dimuqaraadiyada).

Geedi wuxuu intii uu Guuleed la shaqaynaayay ahaa gacan yaraha Madaxweynaha ee kalidii awood u leh inuu magaca madaxweynaha wax ku saxeexo, waana khabiir dhinaca maamulka dawliga ah isagoo sanadadii gumaysiga ahaan jiray Kormeeraha Guud ee Wasaarada Shaqaalaha

Wareysi I. Geedi Hareed

Wadhaf News

Share SHARE