Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Minneapolis kula hadlay dad ka badan 5 kun

Wadhaf News-Jan.19, 2013: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa xalay kula hadlay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dadweyne Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd 5,000 oo qof.

Madaxwerynaha iyo waftigiisa ayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Minneapolis si diiran ugu soo dhaweeyeen jahliyada soomaliyeed ee daggan Magaalooyinka mataanaha ah ee Saint-Paul iyo Minneapolis, soo dhawayntan oo u muuqata tii ugu balaadhnayd ee loo sameeyo wafti ka socda dawlada Somalia.

Madaxweynaha ayaa ka jeediyay hoolka shirarka ee magaalada Minneapolis khubad socotay muddo 50-daqiiqo ah, taasoo uu kaga hadlay shan qodob oo waaweyn, kuwaasoo ku saabsanaa howlaha u qabsoomay dowladdiisa iyo kuwa horyaalla.

“Safarkii aan ku imid Mareykanka wuxuu kusoo dhammaaday guul, waxaana dowladda ugu weyn Adduunka ay albaabbada u furtay Soomaaliya, wayna aqoonsatay,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadalka uu ka jeediyay Minneapolis, isagoo intaas ku daray in aqoonsigan uu u horseedayo Soomaaliya inay dib ugu soo laabato saaxada caalamka oo ay muddo dheer ka maqnayd.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray inay booqdeen intii ay Mareykanka joogeen wasaaradaha gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda, isagoo xusay in wasaaradda gaashaandhigga ay kala hadleen ammaanka labada dal.

“Afartii bilood ee dowladda aan madaxda u ahay jirtay waxaa la qaaday 60 isbaaro oo yaallay magaalada Muqdisho oo keliya, lagumana qaadin dagaal ee waxaa lagu qaaday nabadgalyo iyo wadahadal,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay maamul u sameynta dalka, isagoo sheegay in dacaayado badan arrintaan laga fidiyay, sida inuu amaray in gobollada Bay iyo Hiiraan ay maamullo sameystaan, gobollada Jubbooyinka maamul loo sameynayo, taasoo uu ku sheegay inay tahay been la dhoodhoobay.

“Waxaa naga go’an in federaalka la gaarsiiyo dalka oo dhan, balse waxaa jira qodobbo ku saabsan habka federaalka oo uusan ka hadlayn dastuurka sida habka loo qaybsanayo khayraadka dalka, arrimahaas la xalliyo waxaan habka federaaliisimka gaarsiin doonnaa meel walba oo dalka ka tirsan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu madaxweynuhu sheegay in federaalka haddii aan lagu dhaqmayn uuna madaxsweyne ka ahaanayn dalka, waayo buu yiri aniga waxaa la igu soo doortay federaalka, isagoo xusay inay ka go’an tahay in dalka oo dhan ay gaarsiiyaan federaalka inta ay xilka hayaan.

Dhanka kale, madaxweynaha wuxuu ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka dariska ah u dhexeeya, isagoo xusay in dalalka dariska ah, sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti uu kala dhexeeyo xiriir wanaagsan, ayna sii xoojin doonaan xiriirradaas.

“Markaan ka hadalno Itoobiya 600-sano ku dhawaad ayaan dagaal ku jirnay, wixii hadda ka dambeeya waxaan billlaabaynaa nabad lagu wada-noolaado. Iyadoo labadan dalna ay si wadajir ah uga faa’iideysan doonaan khayraadka labada dal, waayo Webiyada Soomaaliya mara waxay ka yimaadeen buuraha Itoobiya, sidoo kalena Itoobiya bad ma lahan, waxaana naga go’an in mid walba oo naga mid ah uu ka faa’iideysto khaydka dalka kale,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri hadalkiisa.

Gobolka Minnesota ayuu sheegay inuu yahay gobolka ay ku nool Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool, isagoo xusay inay ka furi doonaan qun-suliyad u adeegta shacabka Soomaaliyeed ee Minnesota ku nool.

Intii ay socotay khudbadda madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa illinka hore ee goobta uu shirku ka dhacayay dibadbax ka sameeyay dad gaaraya 100-qof kuwaasoo kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka, iyadoo madaxweynuhu uu sheegay inuu ka xun yahay in dad Soomaaliyeed ay dibadbax ka dhigaan goob uu kula kulmayo Soomaalida, isagoo xusay inay uga wanaagsanayd inay gudaha soo galaan oo ay fikirkooda ka hadlaan oo aan is-dhageysanno.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay ula soo kulmay  jaaliyada Soomaaliyeed ee deggan MagaaladaWashingtonee caasimada  dalka Maraykanka iyo degganada duleedka ka saaran.

Kulamada Madaxweynaha ayaa kadanbeeyay markii uu Aqalka Cad ee Maraykanka uu shalay kula kulmay i Madaxweynaha dalkaasi Barack Obama taasi oo ay dabadan soo dhaweeyeen, kulankaas oo uu ka dambeeyay mid uu la yeeshay Xoghayaha Arrimaha dibada Hillary Clinton oo shaaca ka qaaday in Dawlada Maraykanku si rasmi ah u aqoonsatay dawlada Somalia iyo midnimada dalkaasi, wixii imika ka dambeeyana uu Maraykanku toos ugala xidhiidhi doona dawlada Somalia arrimaha ku lug leh Somalia halkaasoo Maraykanku ku soo afjaray xidhiidhadii uu la lahaan jiray maamul-dawladeedyada dalkaas lagaga dhawaaqay ee ka jira. Arrintaas Maraykanku ka dhawaajiyay ayaa noqonaysa mid markhaati ka ah in Somalia cagta saartay dhabo cusub oo mustaqbal wanaagsan leh.

 

Wadhaf News

Share SHARE