Wadhaf News-Jan.20, 2013: Barnaamijka Martida Makarafoonka ee VOA waxaa todobaadkan marti u ahaa gudoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya Abdisalam Omar Hadliye. Hadliye waxa uu ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha ee dhawaantan yimid magaalada Washington. Waxa gudoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe wax laga weydiiyay heerka shaqo iyo adeegyada uu xiligan hayo bankiga, iyo waliba waxa uu mustaqbalka ku soo kordhindoono Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo quseeya howlaha maaliyada iyo Bankiga dhexe gaar ahaan.
Waraysiga Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somalia M. Hadliye
Source: VOA





