Caleemo Saarkii Labaad ee Barack Hussein Obama-Qudbadiisii, Dhaartiisii iyo Beyoncé (Video)

Obama: “It is now our generation’s task to carry on what … pioneers begans”

Wadhaf News-Junuary 21, 2013:  Maanta oo ah January 21-keedii 2013 ayaa rasmi ahaa ku began caleemo saarkii labaad ee Madaxweyne Barack Xuseen Obama ka dib guushii uga soo hoyatay doorashadii madaxtooyo ee bishii November afarteedii ka dhacday dalkaas.

Barack Obama waxaa lagu caleemo saaray xaflad balaadhan oo ka dhacday barxada Aqalka Congress-ka ee Capitol Hiil, madashaa oo ay goobjoog ka ahaayeen dad ku dhow hal malyal oo qof. Inkastoo shalay Obama lagu dhaariyay haartii shalay Aqal Cad lagu dhaariyay haddana maanta ayaa madaxweynaha shacbiga hortiisa mar labaad u ku dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Maraykanka , Xaakin Roberts. Obama wuxuu gacanta saaray Kitaab Bible ah oo ay lahaan jiray Geesigii madoobaa ee Martin Luther King oo maaalinta la xusaa ku soo beegantay caleemo saarka Obama.

Obama speech

Ka dib madaxweyne Obama wuxuu u sarakacay qudbadii caleemo saarka oo aad loo sugaayay. Bilowgiiba Obama oo cod-karnimo lagu yaqaano ayaa ka shanqadhiyay ereyo ku suntan afkaaraha waaweyn ee u aaminsan yahay oo ay ugu horayso sinaan, cadaalad iyo xoriyada aadamaha.

Obama wuxuu qudbadiisa ku soo qaatay mashaariicda ugu waawayn ee Amerika horyaala ee u damacsan yahay in laga midho dhaliyo sida: cadaalada cashuuraha, siyaasada qaxootiga, maalgalinta mashaariic baladhan oo kor u qaada dhaqaalaha, u diyaargarowga isbadalka cimilada, caafimaadka, tacliinta iyo bulshada liidata oo wax laga qabto.

Jiilkeena weeyaan kuwa ay saarantahay inay dhamaystiraan wixii jilalkii inaga horeeyay bilaabeen, ayuu madaxweyne Obama ku yidhi qudbadiisa isagoo weedhaa ula jeeda in Amerika ay horyaalaan gees walba hawlo u baahan in la dhamaystiro.

Dhinaca siyaasada dibada Obama wuxuu afka ku dhuftay in America ku tiirsanaan doonto xulufo balaadhan iyadoo taageersan inta u halgamaysa xoriyadda iyo dimuqaraadiyada. Nabadu waxay ku xidhan tahay sida loo xushmeeyo dulqaadka, is-ixtiraamka iyo qiimaynta sharafta aadamaha, ayuu yidhi Barack Obama.

Ka dib qudbadii madaxweynaha waxaa heesta calanka qaaday fanaanada codka macaan Beyoncé oo ah gabadh aad loo jecelyahay. Ka dib xubnaha baarlamaanka iyo marti sharaf badan ayaa ka qayb galay hadhimo sharafeed Aqalka Congress-ku u sameeyay munaasabada caleemo saarka awgeed.

Hadimadaa dabadeed waxaaq bilaabmaysa galbiska Madaxweyna loo galbinaayo xagga iyo Aqal Cad, xafladaas oo sida la filaayo reebi doonta xasuus taariikhi ah.

Qudbadii Madaxweyne Obama

Share SHARE