Wadhaf News-Jan.29, 2013: Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in qof naftii hura ah oo isku qarxiyay barxada hore ee guriga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ka daganyahay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay laba kalana way ku dhaawacmeen qaraxaasi ismiidaaminta ahaa, waxaana la sheegay in qofka naftii huraha ahaa uu damacsanaa in uu xoog ku galo guriga Ra’iisul waraaha Soomaaliya.
Sida wararku xaqiijinayaan ninkii naftii huraha ahaa ee qaraxan ka dambeeyay wuxuu ku nafwaayay isla qaran oo jidhkiisii jarjaray sida ka muuqata sawirro uu faafiyay website-ka Radio Muqdisho, sawiradaas oo ah kuwan aan halkan idiinku soo muujinay.
Xiliga uu qaraxu ka dhayay ayaa Ra’iisul wasaaraha waxa uu ku sugnaa hoygiisa waxana la sheegay in ciidamo badan ay isku gadaameen guriga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoona Saacid.
Dhismaha Madaxtooyada ayaa waxa galitaankiisu uu yahay mid aad u dhibadan in kastoo ay jiraan dad caadi ah oo dhex deggan gudaha Madaxtoyada waxaana la maraa barintaano aan dadka sidaa ahmiyad u siin oo ku yaalla wadada tagta guriga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabadi Faarax Shirdoon Saacid oo ay xukuumadiisu sheegeysay in ay xaqiijisay Amaanka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Majirto wali cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi hase ahaatee Al Shabaab ayaa ah awooda kali ah ee dowladda ka soo horjeeda laguna tuhunsanyahay inay soo maleegtay shirqoolkan aan yoolkiisii gaadhin.












