Madaxweynaha Midowga Yurub oo Qaabilay Madaxweynaha Somalia

Wadhaf News-Jan.31, 2013: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Brusseles ee dalka Biljimka ayaa la kulmay madaxweynaha Midowga Yurub,  iyadoo Midowga Yurub uu  balanqaaday in dowlada Soomaaliya uu ka taageeridoono dhinacyada siyaasada Ammaanka iyo horumarinta adeegyada guud ee bulshada.

Qoraal uu soo saaray  madaxweynaha Midowga Yurub  José Manuel Durão Barroso kadib markii uu la kulamay madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu xusay in labada mas’uul ay yeesheen kulan wax ku ool ah oo fursad u siiyay in ay ka wadahadlaan arrimo la xiriira xiriirka labada dhinac, xaalada Soomaaliya iyo sidii loo jeegteyn lahaa xiriirka labada dhinac.

‘’Soomaaliya waxaa u furmay Bog cusub waxeyna cagta saartay wadadii rajada iyo horumarka waxaana la joogaa xiligii lagu taageeri lahaa dowlada dadaalkeeda’’ ayuu José Manuel Durão Barroso ku xusay qoraalkiisa.

Madaxweynaha Midowga Yurub ayaa sheegay intii uu kulanka la lahaa Madaxweynaha Soomaaliya ay isla soo qaadeen sidii dowlada Soomaaliya ay u noqon laheyd mid tixgelisa xuquuqda aas’aasiga ah ee shacabka isla markaana ay noqoto mid lala xisaabtamo.

Kulanka Labada Mas’uul ayaa ahaa mid mudo dheer qaatay,  isagoo José Manuel Durão Barroso sheegay in ay ka wadahadleen sidii loo caawin lahaa  Soomaaliya si ay dowladu ugu guuleysato ujeedooyinkeeda.

Midowga Yurub ayaa sheegay in uu ahaa deeq bixiyaha ugu weyn Soomaaliya isagoo xusay in uu Nus Bilyan Dolar ku bixiyo horumarinta dadka Soomaaliya.

José Manuel Durão Barroso ayaa hoosata ka xariiqay in labada dhinac ay isku raaceen sidii loo soo celin lahaa xiriirkii soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo dowlada Soomalaiya u rajeeyayin ay ka gudubto caqabadaha ay la hortaaganyihiin kooxaha dowlad diidka ah.

 

Share SHARE