Faalo: Warbixintii gudiga talo bixinta ururada siyaasadeed

Sharciga ma waafaqsana inuu Madaxweynuhu magacaabo maayaro ku meel gaadha, gudiga talo bixintuna arintaasi way ka fogaysay xilkii loo igmadey

Wadhaf News, June 08, 2011: Shaley ayaa shaaca laga qaadey go’aankii gudiga talo bixinta in la qaado sharciga xadidaayay furashada ururo siyaasadee oo ilaa hadda ku eeg saddex xisbi.
Gudiga oo horey Madaxweynuhu u magacaabay waxay soo jeediyeen laba qodob:
1)      In la fasaxo furutaanka ururo siyaasadeed taas oo soo afjaraysa sharcigii mabnuucaayay in la furo xisbiyo siyaasadeed.
2)      In Madaxweynuhu kala diro goloyaasha degaanka, isla markaana magacaabo Maayaro ku meel gaadh ah.
Haddan eegno talada Gudigu soo jeedisay, waxay u eegtahay in shaqadoodu ahayd inay ka jawaabaan su’aasha ahayd in xisbiyaasha siyaasadeed la fasaxo iyo in loo daayo saddexdii horey u jirey ee haystay astaanta xisbi qaran. Su’aashaana way ka jawaabeen mar haddey taladoodii noqotay in ay iyaga la tahay in furashada xisbiyada siyaasadeed la fasaxo.
Is waydiintu waxay tahay side loo maarayn doono furashada xisbiyada siyaasadeed. Waxaa hubaal ah in xeer cusub oo ku saabsan furashada xisbiyada siyaasadeed loo baahan doono. Xeerkaa cusb iyaa dabcan laga heli doonaa shuruudaha sharci ee lagu xaydaabi doono si loo furto xisbi siyaasadeed. Waxaa durba la saadaalinayaa in mid ama laba xisbi, oo ka mid ah saddexdii xisbi ee ilaa imika madasha siyaasadeed ku dheeli jirey, ay saaxada siyaasadeed ka bixi doonaan. Dadka siyaasada indho-indheeya iyaa hadal haya inuu Kulmiye noqon doono xisbiga ugu horeeya ee ugu yaraan laba xisbi ka soo dhex baxaan. Xurgufta siyaasadeed eek a dhex jirta Kulmiye ayaa markhaati ka in Kulmiye ahaan doonin Kulmiyihii doorashada ku gulaystay.
Warka Madaxtooyada ka soo baxay ee sheegaya go’aanka Gudigu kuma cada wax talo faahfaahsan ama shuruudo ah oo ay ku xadideen furashada xisbiyada siyaasadeed. Sharci ahaan, Gudigu taas way ku hagaagsan yihiin maadaamowna ahayn hayad sharci dajin. Waxay arintaas u dhaafeen Golayaasha sharcidejinta ama gudiga doorashooyinka iyo awooda fulinta ee dalka oo arintaas sharci ahaan iyagu iska leh.
Qodobka labaad ee ka hadlaaya kala dirida Golaha degaanada iyaa ah mid dhaafsiisan awooda loo igmadey Gudiga. Gudigu xaq uma leh, hawshoodana ma ahayn inay ka hadlaan aayaha Goleyaasha degaanada oo ah Goleyaal awooda shicibka ee dalka ugu saraysa xukunka ku fadhiya. Awoodaana waxaa ka qaadi kara oo qudha shicibkii soo doortay oo ah kan qudha ee xaq u leh inuu codkooda ku badalo golayaasha ay horey u doorteen.
Haddii Madaxweynuhu taladaa qaatana waa mid gaf ku ah dastuurka isla markaana ku xadgudbaysa doonka iyo karaamada shicibka soo doortey Goleyaashaa. Talada Gudigu ee Madaxweynaha ugu baaqdey inuu magacaabo Maayaro ku meel gaadh ah waa mid mijoxaabinaysa dastuurka oo la micno ah afgabi siyaasadeed.
Dimuqaraadiyadu waa mid hoos ka bilaabanta. Astaanta arintaasna waxaa u taagan Goleyaasha degaanka oo si sharci ah ummadu awooda uugu dhiibtay.  Sida Madaxweynaha loo soo doortey iyaa Goleyaasha degaanka loo doortey, sidaa awadeed sharci maaha inuu Madaxweynuhu isa siiyo awood uuna lahayn oo keenta inuu ku gafo doonka shicibka si dimuqaraadiya u soo doortey goleyaal u sheqeeya oo xalila hawlo-maalmeedkooda iyo aayahooga degaankooda. Mid baa u banana Madaxweynaha ama xukumada, taasina waxa weeyi iyagoo qabanqaabiya doorashooyinka degaanka waana sida qudha ee waafaqsan sharciga ee lagu badali karo golayaasha degaanka iyo maayarada talada haya.
Sharci ahaan, Gudiga talo bixintu way ka fogaadeen hawshii loo igmadey marka la eego talada labaad ee Madaxweynaha loo soo jeediyeen, hadduu Madaxweynuhu taladaas qaatana waxaa hubaal ah inuu qalad siyaasadeed gacmaha la gali doono.
Wadhaf News
news@wadhaf.com
Share SHARE