EDITORIAL
Wadhaf News, July 11, 2011
“Justice denied anywhere diminishes justice everywhere” Martin Luther King Jr.
11kii Juulaay 2009 waa maalintii madoobayd ee afar muwaadin oo safar ah lagu diley jidgooyo lagu sameeyay jidka u dhaxeeya Dila iyo Gabiley. Waa maalintii dhagar aan horey loo arag laga galay dad shicib ah, waa maalintii cadaalada iyo nabada lagu dhagaroobay. Waa maalintii masuuliintii siyaasadeed iyo kuwii amnigu ficil la’aantoodu ka dhigtay dambiileyaal aan waxba ka duwanayn kuwii toos u fuliyay dhacdada waxashnimada lahayd.
Maanta oo taariikhdu tahay 7/11/2011 oo ku began sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay dilkii afartii muwaadin ee ku nafwaayey dhacdadii 7/11, waxaa waajib ku ah inta cadaalada la ehel ah inay nala xasuustaan mujaahidiintii dhagarta laga galay. Waxaan kula bahoobaynaa ehelkii iyo qoysaskii afarta mujaahid inaan wada xusno dhacdadaas anagoo u ducaynayna mujaahiriintii juhaladu jidka u gashay oo kala ah, Allah Ha u Naxariistee:
-
Cali Maxamuud Nuur (Bagaashle)
-
Cali Aw Cumar Barre
-
Mowliid Xassan Cumar
-
Daa’uud Xaashi Jaamac
Waxaan bulshada cadaalada jecel ee caalamka xasuusinayaa in Maamulkii Somaliland ka talinaayay markii dhagartii 7/11 dhacday inuuna rasmi ahaan furin “Case” dambi-baadhis ah si loo dabagalo dhagarqabayaashii falka gaystay iyo kuwii soo maleegay.
Arintan la yaabka leh oo markhaati ma doon ah, waxaa idin xasuusin kara sidii afka looga jufeeyay dhowrkii wiil eek a soo fakadey dhagarqabayaashii. Wiilashaa markhaatiga ahaa, booliska dawladu kama reebin warbixin sobobtoo ah wax “Case” ah oo la furay ayaan jirin. Haddii ay saxaafada u waramilahaayeena, dawladu waxay amar ku siisay inayna hadlin. Waayo? Waayo? Waayo?
Xeer inqaabeedka aduunweynuhu sida kan Somaliland waxaa ku cad in u gargaarka dhagar uu la mid yahay dhagar. Waxaa kaloo ku cad in wixii is hortaaga in daaha laga qaado wixii dhagar gaystay lafteedu tahay dhagar.
Sidaa awadeed, masuuliintii talada hayay wakhtigii dhacdadii 7/11 la gaystay waa dambiileyaal sobobtoo ah arinta oo ay u maareeyeen si sharciga ku lidiya, isla markaana ay cadahay in markhaatiyaashii shaahidka ahaa loo diiday in boolisku wax ka qoro ama waraysto.
Waxaa cad in Dhacdadii 7/11 la siyaasadeeyay, taasina keentay in ilaa maanta cadaaladii maqantahay.
Anagoo og sidaa sharciga ka fog ee Maamulkii hore u waajahay Dhacdadii 7/11, waxaan ka dalbaynaa Maamulka manta ka tasha Hargaysa inuu furo dambibaadhis laba gees ah:
1) Dambibaadhis dhagarqabayaashii lagu baadi doonayo, maadaamow noolyihiin markhaatiyaal muhiim ah.
2) Dambibaadhis lagu furo Maamulkii hore iyo habkuu arintan u maamulay si loo ogaado cidda ka dambaysay inaan wax “Case” ah la furin.
Waxaan ka dhowraynaa Maamulka Somaliland inuu iftiimiyo sobobta ilaa manta cadaalad u maqantahay si loo qanciyo bushada nabada jecel, xaasaskii iyo caruurtii ka hadhay marxuumiinta ku nafwaayey jidgooyadii 7/11.
Dhinaca sharciga, wakhtigu ma tirtiro baadhitaanka dhagarta, taas oo la micno ah intay doonto ha qaadatee “case” waa mid xaadir ah. Sidaa aawadeed, Maamulka Somaliland waxaan ku baraarujinaynaa inuu sida ugu dhakhso badan cadaalada u hor keento gacan ku dhiigleyaashii, kuwii soo abaabulay iyo kuwii si toos ah ama si dadban isku hortaagay baadhitaanka falkaa dhagarta ah.
Somaliland waa goobtii dhagartu ka dhacday, haddiise cadaaladeedu meel dhigi waydo dhacdadan, waxaa furan albaabo kale oo waajib ah in laga raadsho xaqa la gaasiray.
Wadhaf News





