Jeneraal Tallanow, Ma ogatahay Halyeeyow!

 

 

Wadhaf News, oct 21 /20101: Maalinba waa maaline, October 18keedii 2000, waxay ahayd maalin modaw oo murugo noo dhamaatay , waa maalintii aan wayney Geesigeenii GENERAL YUSUF TALLAN ALI, dhacdadaana waxaan ku jirnaa sanad guuradedii 11aad , maalintaas oo gacan Ilaahay nacay ku dhagarawdey geesigii ummada.

Sanadkan waxaan jeclaysanay inaan Halyageena ku xusno warbixin aan u diraayo uugana waramayno marxalada soomali iyo tolkiiba marayaan. Waana dhacdooyinkii ina soo marey oo kooban.

Ma ogtahay Halyeyow!

Ma ogtahay Tallanow dhawaqii kuugu dabeeyay aduunka oo ah shaqandhii rasaastii xaqdarada ahayd eed u dhimatay inay weli ka socoto Somalia, dabadaana kumayaal ay halaagmeen? Ma ogtahay Talanow in wali Qarankiii Soomaliyeed sakaraad yahay? Ma ogtahay Talanow qabqableyaal dagaal, ciidanka Ethiobiya, Shaydaano shaadh diineed sita, macaluul horey loo arag iyo dawlad tag daran inay Somali gacanta saareen walina la tacaalayso masiibooyin ay ugu horeyso hogaan la’aan? Maantana xaalku gaadhay in ciidamo Kenya ah, kuwo Ugaadho ah iyo Burundi ah naf laga dayay markii wadanku  u afduubmay bucad-diimeed jaahiliin ah? Ma ogtahay Talanow inaan weli la quusan oo la sahadinaayo Qarankii Soomaliyeed oo dib u soo noolaada?

Ma ogtahay Halyeyow,

Ma ogtahay Tallanow, in tolkaa halkii aad ku ogayd foolxumo uuga sii dhaadhacay? Ma ogtahay Halyeeyow, wixii aad ka digtay inay dhamaatood dhaceen? Ma ogtahay Tallanow in tubtii toosnayd tolkaa weli haleelin? …Ma ogtahay Tallanow , Muqdisho way fogayde, Dilla dusheeda dhagar ka dhacdey weli inaan xal loo helin oo iskada wax kale dhaqankii soomaliyeed naga suurto gali waayay? Ma ogtahay Talanow inuu diricu nacas yahay ( oon la dhagaysan) oo lagaba doorbido hadba garaad liitiya iyo inta foolxumada doorbida? Ma ogtahay in lagu xaragoodo wixii laga xaroogoonjirey?

Tallankaygii Hoydow,

Toban iyo kow sano ayaa ka soo wareegtay maalintii gacanta cadaawe kugu dhagarawdey.

Ma ogtahay Halyeeyow! Weli kuuma sheegi karo dadaal jira oo lagu raadinaayo ciddii dhiigaaga gashay. Oohintii ayaamihii geeridaadu qoyanayd wax nooga dambeeyay ma dhicin. Baroordiiq badan waa laguu tiriyay oo ay ka mid ahaayeen qaar qalbiga hoose ka soo go’ay oo ka turjumaayay hoogga geeridaadu huwanayd. Tol iyo Somaaliba way kuu baroorateen. Qaar kaloo badan ayuu erey ka soo bixiwaayay oo naxdintu ku cuslaatay fursadna u siinweydey inaan afka kala qaadaan .

Waxaa murugo leh inaan magacaagii, sharaftaadii, karaamadaadii, halgankaagii iyo dhiigaagiiba loo hiilin ilaa maanta. Waxaan ka xumahay inaan ku khasaarinay oon  ku saaqidnay inaan waajibkaad nagu lahayd ka soo bixi weyno. Run ahaan uuma qalano in shaqsi adigoo kale ahaa inuu naga dhasho waayo markaad nolaydna dhagahaa lagaa furaystay, markaad hoyatayna kartidii magacaaga aan ugu hiilin lahayn helin waynay. Iskadaa inaan kuu hiilinee cidii hiili tidhaa waxaa loogu dowgaley garaadyo dalable oo talada toosan docwareema.

Tallankaygii Hoydow,

Ma ogtahay Halyeeyow in, magaaladaad ku dhalatay, oo ahayd halka magacaagu ka nuuri lahaa, in ilaa manta laga helin meel magacaaga lagu xuso, waana markhaatigaan cuskanaayo ee shaaca ka qaadaaya sida dadkii u maanguureen. Taa waxaa ka sii daran intii dadka ka hiilisay (1993Kii) oo dadka qaar qabaan in taalo looga dhiso halkii ay talada ku gowraceen ( Dugsigii).

Janankaan u hoognow, ma ogtahay Halyeeyow,  taariikhdeenii weynayd ee dadku lahaayeen, dhalaan baa haleeloo ceebeeyay Xeerkii ugaasnimo lahaan jirtey. Talo weyd ah wax ka dhashay ayaa keentay dhag xumo badan: kala jab, baaho magac Ugaas la huwiyo iyo shisheeye laga doorbido talo mideysan.

Wixii aad ka digaysaa 11 sano ka hor ayaa dhalay ceebahaa iyo wax kaloo ka sii daran. Waa la sii saqiiroo, danta-guud ha joogtee, doc-doc iyo danaysigu sidii uu dastuur yahay iyaa loo daneeyaa. Adaa horey u sheegee, haddaan sidaa la doorina taariikhda waa laga tirtirmi doonaa.

Tallankaygii Hoydow!

Ma ogtahay Halyeeyow! Inkastuu xaal sidaa yahay, dhulka waxa ku sii nool in damiirku noolyahay oo ereyadaadii weli ay hagaayaan. Dhulka waxa ku sii nool fikirkaagii toosnaa inta raacday ee ogol, rajaduna ma gudhinoo rajo way na hagaysaa.

Dhulka waxaa ku sii nool ehel badan ood leedahay, bal aan sheego qaarkood:

  • Inta damiirku nool yahay
  • Aqoonyahan dhamaantii
  • Inta Qaranka cisaysiyo wadaniga ideylkii
  • Inta danta-Guud hagto
  • Inta taariikhda u hiilisa
  • Inta nabada ehel u ah ee midnimada doorbida

Ehul-sharaf dhamaantii Nuurkoogii baad tahay!

Maqaam Magacaaga u Qalma oo taariikhdaada kaydisa laguna barto iyaa la shaaciyay sanad ka hor wayna hawgali doontaa sidaan filayno, Geesigii ummadow. (Tallan Foundation for Human Rights)

Intii Janada ku kulanta Ilaahay ha inaga dhigo, Jeneraal Yuusuf. Aamin

Wadhaf News


 

 

 

 

Share SHARE