Wadahadalada Somaliland-Somalia: Waqooyigu Ma Ka Faa’ideysan Doonaa Khaladaadkii 60kii

“Let us never negotiate out of fear. But, let us never fear to negotiate” John F Kennedy

Wadhaf News-March 29, 2012: Taniyo wixii ka dambeeyay Shirkii London, waxaa cad in Soomalidu galayso marxalad cusub oo rajo ku hagoogan tahay. Kow iyo labaantan sanno oo Somalia u dhamaatay dhibaato wixii adduunka jirey, waxaa la soo gaadhay in la dhadhamiyo hawwo rajo leh iyo bildhaan nololeed haddan la xagal dabcin.

Farsamo xumadii u dhaxaysay Waqooyi iyo Koonfur meesha way ka baxaysaa oo waxaa la garwaaqsadey in wadahadal yahay xalka qudha ee cid walba u danta ah gaar ahaan Shacbiga Soomaaliyeed, waxaana arrintaa ku amaanan xukumada Silaanyo hogaaminaayo oo muujinaysa mudakarnimo siyaasadeed, waxaanan u malaynaynaa inuu sidii Richard Nixon yidhi: aan ka gudubno marxalada hirdiga oo aan u gudubno marxalada wada-xaajoodka. ( ‘Let us move from the era of confrontation to the era of negotiation”.

Waagaa cusub ee bildhaamayaa wuxuu ku soo beegmay dhinaca koonfurta oo lafteeda horumar laga sameeyay dhinacayada amaanka halkaas oo lagu wiiqay awoodii kooxdii diinta ku qadhaabanaysay ee Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee bal aan ku foorarsanno sida Somaliland wada-xaajoodkaa isugu diyaarin lahayd.

Khaladaadkii Shalay (60Kii)

Alla ha u naxariistee Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa sigaasiga ugu tunka weynaa ee Waqooyiga ka soo baxay waana siyaasiga kaliya ee Waqooyiga ka soo jeeday ee dalka taliye xukumadeed Somaliya ka noqdey intaan afgambigii milatari dawladiisii kala dirin 1969-kii. Cigaal isagoo sidaas ahaa haddana taariikhdu waxay xusaysaa 60kii inuu khaladkii siyaasadeed ee ugu weynaa u sameeyay isaga iyo intii siyaasada kula jirtay waxaan ahayn Machael Maryamo oo marka dib loo jaleeco taariikhda noqonaya kan qudha ee ka dhawaajiyay habkii Waqooyigu gorgortan siyaasadeed kula geli lahaa Koonfur.

Labad khalad ee Waqooyiga

a)      Intaan Ingiriis ka teggin Waqooyiga wuxuu sii diyaariyay hormoodka siyaasadeed ee Hargaysa. Lixdankii markii awooda siyaasadeed waqooyigu qaybsanayeen, beelaha dhexe ee Cigaal ka midka ahaa waxay ku dhaqmeen sadbursi waxayna isku taxeen baddi kuraastii 33 ahayd ee Muqdisho lala tagay. Matalan waxaa si cad loogu dulmay Gadabuursi  oo jilib-hoosaadka Cigaal(Ciise Muuse ka kuraas badnaayeen). Waqooyigu wuxuu koonfur tegay isagoo dhexdiisa isasii dulmay, waana khaladkii ugu horeeyay ee madaxdii beesha dhexe ee Waqooyiga.

b)      Khaladka kale, wuxuu ahaa laba waji: kuraasta waqooyiga oo 33 ahayd iyagoo ogaa in koonfurtu saddex lab lahayd. Waa la kala dad badnaa laakiin in xadkaa 60kii lays dheeraado ma qumanayn. Wajiga kale wuxuu ahaa madaxdii Waqooyiga oo xilkoodii gabay kana amar qaatay caadifad qalbiga ka imanaysay laakiin aqligu inuu diido ahayd. Hogaanka siyasaasadeed isagaa ah ka jaheeya qalbiga ummada ee awooda inuu ku adkaysto xaqiiqada dadka caadiga ah u muuqan. Madaxdii Waqooyigu awoodaa may lahayn, waana ta keentay in iyagoo gorgortamin lagu biiro Koonfur. ( Waxaan daacad ahayna dib ayuu ka xumaadaa sidii aan u soo wada joognay.)

Wadahadalka la sugaayo

Intayna wadahadalka Koonfurta la galin, Somaliand waxaa looga baahan yahy inay wax ka badasho siyaasada dhexdeeda ay ku dhaqanto. Kor waxaan ku sheegnay in dheeli siyaasadeed Waqooyiga ka dhex jirey lixdankii taasina ahayd cadaalad daro Waqooyigu isku sii sameeyay intuuna Foonfur tagin. Dheeligaasi ilaa maanta ayuu jiraan waxaanad moodaa inayna beesha dhexe wali garan halka salaadu iskaga xidhmi laadahay. Si ayna taasi dib u dhicin oo Waqooyi midaysan loo helo, Hargaysa hawlbaa u taal.

a)      Dheelgai awooda siyaasadeed oo wax laga badalo intaan wadahadal la galin waa ariin mihiim u ah danta ama badbaadada danta Waqooyiga. ( Dhankuu doono wadahadalku ha u gabogaboobee, arrintaasi waa lagama maarmaan)

b)      Adkaynta Midnimada Waqooyiga, waxaana fure u ah qodobka hore.

c)      Waa in dadka Waqooyiga wada degaa isla meel dhigaan awood-qaybsiga lagu kala qaybsanaayo wixii Koonfur laga goosto, waa haddii midowgii lagu noqdo.

d)      Gudiga farsamo iyo siyaasadeed ee wada hadalka galaya oo beeluhu u dhamaadaan magacaabistoodana laga wada tashado.

Haddii qodobadaas sagsaag galaan ama wax ka badalkoodu dadka qanciwaayo waxaa hubaal ah in awooda Somalind ku gorgortamayso hoos u dhici doonto, lana arki karo gobolada darifyada Somaliland oo ajande ka duwan kan Somaliland ka dhawaajiyaan.

Shuruuda Wadahadalka

Talaabooyinka kor ku xusan markuu waqooyigu diyaarsado, waxaa imanaysa qaabka Somaliland ay kula hadlayso Somalia. Arrintan iyada ah dadku way ku kala qaybsan yihiin. Anagu waxaan qabnaa in la raaco Fikirka uu ka dhawaajiyay Professor Axmad Ismaciil Samatar oo soo bandhigay qaab cad oo taariikhda waafaqsan si loo wada hadlo. Professorku isagoo ka warqaba in Qarankii Somaaliyeed la sariftay oo ninba edeg ootay, wuxuu cadeeyay in marka wada-hadal yimaado sida qudha ee loo wada hadli karaa inay tahay Waqooyi iyo Koonfur. Aqoonyahanka oo la saadaalinaayo inuu door weyn ka cayaaro siyaasada Somalia ayaan dadka xasuusiyay Somalia inay ka koobnayd British Somaliland iyo Italian Somaliland, sidaa awadeed labadaa qaybood ayuubaa loo wada hadli karaa.

Qaabkaas ayaa ugu mudan oo xaqiiqada waafaqsan, waxaana meesha ka baxaaya oo wax kama jiraan noqonaaya hadalkii ka soo yeedhay Madaxda Puntland oo sheegtay in wada-hadalo aan Putland ku jirin suurto galayn. Hadalkaasi maaha mid meesha leeg sharcigana ma waafaqsana sobobtoo ah Puntland waa gobol ka mid Koonfurta Somalia.

Gabogabo

Wadahadalku waa inuu dawo keeno. Fule iyo qof aan isku kalsoonayn ayaa wadahadalka ka gabada. Wadahadal kaste waxaa muftaax u ah aaminaad lays aamino. Somaliland ama Waqooyigu waa inuu dhexdiisa aaminaad abuuro. Koonfurtuna waa inay la timaad madax dadka matasha oo karti leh. Labada dhinac waa inay markaa miiska yimaadaan iyagoo is-aaminsan. Kooxna ma hayso runta waayo marka la wadahadlo ee la wada-xaajoodo ayay runta kama dambaynta ihi soo shaacbaxdaa ee qolana kalideed runtu guntiga uguma jirto, waayo: “If you come to a negotiation table saying you have the final truth, that you know nothing but the truth and that is final, you will get nothing”.

Wadhaf News

 

Share SHARE