Somalia: Qabiilbaan La Liicee, Tolaayeey Aqooneey!

Somalis don’t need a leader who accepts the status quo but a leader who challenges it.

Presidentail candidate-Prof. Samatar

Somalia iyo Soomalideedii waxay soo mareen, walina ku jiraan, silic iyo saxariir magacii haybada lahaa gaadhsiiyay heer uu naanays noqdo oo loo adeegsado marka xumaan iyo doqoniimo la tilmaamayo iyo marka qaran dumay tusaale loo soo qaadanaayo.

Sawirkaa foolxumada leh waxaa inoo dheer wixii qoomiyad la odhan jirey ee dhandhanka lahayd oo dhaawac halis ihi gaadhay, soomalinimadiina shiiqdo oo looga gudbo maamul-dawlad-ku-sheegyo ina dhaxalsiiya qoomiyad la’aan iyo dawlad soomaliyeed oo sawir ahaan mooyee naf kale lahayn, sawir dawladeedkaas oo hayin u noqon doonta dawladaha awooda ku leh gobolka.

Dhibta 21-ka sanno soo jiitamaysay iyo masiibooyinka soo socda waxaan kaga badbaadi karnaa Soomali oo ayaaheega ku aaminta Hogaan wadaniya oo karti iyo himilo dheer leh oo ka duwan wixii ina soo maray.

Xanuunada naafada ka dhigay qoomiyadii soomaliyeed waxa ugu horeeya hogaan xumo caado inoo noqotay. Hogaanku markuu bukoodo wuxuu la mid yahay dawo bukootay sidii abwaan Xasan Sheekh Muumin ku sheegay Madayskiisii «  Shabeel Naagood ».

Markay qoomiyad hoggaan xumo ku habsato wax isugu toosaa oo u hagaagaa ma dhacdo sida ay ina barayso sooyaalka taariikhda aadamuhu. Bulshada ka habowda ee garab marta nin doorkeeda, waxay dhaxal u heshaa in cawaankeedu hogaanka qabto halkuu dawo ka keeni lahaana halaag ayuu u horseedaa.

Raysalmaalka Bulsho

Qoomiyad kasta horumarkeedu wuxuu ku xidhan yahay halkuu marayo raysalmaalkeeda bulsho ( Social capital) oo ah qiyaas tilmaanta sidey ummad walba u qiimayso waxbarashada iyo caafimaadka dadkeeda. Waana sobobta hay’adaha caalamigu ee horumarka u adeegaa ugu booriyaan dawladaha aan horey u marin inay maalgalinta ugu buuran ku sameeyaan waxbarashada.

Raysamaalka bulsho (Social Capital concept) wuxuu ka kooban yahay saddex faraq oo waaweyn oo in lagu guuso ah waxayna u kala baxdaa: Raysamaalka dadka (Human capital), waaxaha maamulka (Institutions) iyo Waxa dadku qiimeeyo ( Values). Saddexdaa faraq ayaa maanta loo baahan yahay inuu dawo u helo hogaanka soomalidu u baahantahay.

Maamulka ugu sareeya ee ummad wax ku tahay waa shayga loogu yeedho dawlad (State) iyo waaxyaheega maamul oo ah dhiiga iyo dheecaanka dawladu ku dhaqdhaqaado. Haykalkaasi si uu awood u yeesho wuxuu ku xidhan yahay dadka dawlada hareeraha ka jooga aqoontooda iyo siday wax u qiimeeyaan. Kor baan ku soo sheegnay in aqoonta oo kor loo qaado ay tahay furaha horumarka qaran. Aqoontoo kor loo qaadaa waxay dhalisaa bulshada raydka ah oo aqoon balaadhan yeelata taas oo u sahasha inay ka qaybgasho mashaariicda waaweyn ee lagu dhisaayo qaranka : xagga dhaqaalaha, maamul wanaaga, cadaalada, xuquuqda aadamaha kor u qaadistooda, caafimaadka, iwm.

Faraqa saddexaad waa hogaanka iyo ummadu waxay aaminsan yihiin ee dhaqan u ah. Maanta waxaan cidna ka qarsoonayn in qiimaha u weyn ee soomali mudnaanta koowaad siisaa yahay qabiil oo ka soo horjeedaa sideedaba waxa dawlad la yidhaa. Waxaan qiimaynta labaad siinaa tuugada inagoo waliba islaamnimo sheeganayna. Waxaan sharaf u aragnaa xatooyada xoolaha dadweynaha, eexda iyo yasidda sharciga. Waa wixii qoomiyad ahaan jilbaha inoo joojiyay een ku baabiinayn dawladii (State) iyo magacaan lahayn.

Hogaanka Badbaadadu ku Jirto

Hogaanka maanta aan u baahanahay waa mid iska xaaraantimeeyay kana xaaraan  yihiin waxaan xalaashanay. Hoggaanka aan u baahanahay ee Qarankii u ooyayaa waa hogaan karti iyo karaamo gooniya leh, waana shaqsi Aqoonyahan ah oo aqoon dhab ah leh, una leh aqoon gaar ah sifaha dawladnimo.

Qoomiyadeenu inay hoos u dhacday markhaatiyaasheeda waxaa ka mid ah inaan aragno maanta inuu qof kastaa aqoonyahan sheegto oo aan laga xishoon aqoontii lafteeda. Waxaad arkaysaa qalin-leef loogu yeedho Professor, Dr, Eng. Garyaqaan (!!!) iwm. Bulshada calaamadahaas lagu arkaa waa bulsho cay ula badheedhay aqoonyahanadeeda runta ah, waa bulsho ay iskaga milmeen aqoon iyo jahligu. Waa bulsho jaahilkeeda qolonimo ku doorata, haldoorkeedana qolanimo ku riixda, waana sida soomali ka suurtowday sannadadii la soo dhaafay, waana sobobaha aan la dhutiyayno ee keentay in kuwii aan quudhsan jirnay inoo soo gurmadaan, taladeeniina gacanta u gasho. (ceebna intaas inoogu filan.)

Run ahaan Aqoonyahanada dhabta ah ee Soomalinimo ku abtirsadaa waa faro ku tiris. Aqoonyahan waxaan ula jeedaa shaqsiga aqoon leh ee dhaliya cilmiga noocuu doono ha ahaadee. Ulama jeedo shaqsi kastoo jaamacad lugaha galiyay. Macalimiinta jaamacadeed dhamaantood cilmi dhaliye maaha.  Aqoonyahanka aan ka hadlaayo waa kan la yidhaa ( scholar) waa kan maanta dalkeenii iyo dadkeeni u baahan yihiin. Badbaadadeenu isagay ku jirtaa haddii la rabo inaan dib u soo noolaano oon asageen ka daba tagno.

Aqoonyahankaas hogaanka dalka gayaa waxaa looga baahan yahay inuu ahaado mid aqoontiisa ka sokow wakhti galiyay oo u kuur galay arrimaha soomalida iyo mashaakilkeeda. Wadaniga aqoontaa leh oo run ahaan ku yar soomalida weeyi kan maanta dalkii u bahan yahay. Waa inuu noqdo Hogaamiye fahma doonkeena ( Will), macneeya, murtiyeeya oo ku hayaamiya bulshada halkaan u qalanto. Waa hogaan leh dhiiranaan (Audacity) iyo karti u ku waajaho dhibaatooyinka. Waa hogaan  daacadnimo  isku qaba, dalka iyo dadkana daacad u ah. Waa hogaamiye ixtiraama  shuruudaha hogaanimo oo ah: Waajib ( Duty), Sharafta ( Honor), guntigana u gaabsada difaaca qaranka iyo dadaal joogto ah. Waa hogaan xirfad iyo karti u leh sidii caalamka loola sameeysan lahaa nidaam iskaashi oo isqadarin ku salaysan.

Gabagabadii soomali haddii ay rabto inay WAX noqoto waa inay xaqiiqada ka duushaa. Xaqiiqadu waxay ku tusaysaa inuu aduunkii tartan ku jiro, tartankaasna waxay qoomiyad walba u adeegsanaysaa isticmaalka xogeega ugu weyn iyadoo oo hogaankeeda ku aaminaysa hormoodkeeda oo ah  inteeda isku darsatay aqoon, karti, dacadnimo iyo daljacayl.

Taariikhdu waxay ina baraysaa in qoomiyad waloo sideena halis gashay inay ku badbaadey markay Hogaanka sare uugu yeedhay kuna aamintay nuurka ummada oo ah aqoonyahanka dhabta ah.

Sidaa awadeed soomali waxaa looga baahan yahay inay kacaan ku samayso xuskeeda si ay isbadal ugu samayso ugana gudubto fikirka dib u haya oo ah qabiil. Tolaay reer hebelow aan ka gudubno inagoo u gudbayna Tolaayeey aqooneey! Fikir-qoomiyadeed qiimeeya danta guud waa in loo gudbaa waana kan qudha ee awood inoo siin kara inaan indhaheena iyo garaadkeena ku aragno Hogaanka aan u qalano ee inagu ridi kara jidka mustaqbalka, waana Hogaan ka duwan wixii ina soo maray oo hankiisu yahay isbadil dhab ah. Fura idhihiina… Hogaankaa Somalia u oyayso una baahantahay laba maaha waa mid waana  Professor Axmad Ismaciil Samatar.

Jama Osman Geele

Wadhaf News-

Share SHARE