Wadhaf News-April 23, 2012: Ka dib shirkii London ee arrimada Somalia waxaa Muqdisho iyo Hargaysa laga magacaabay laba gudi oo gudagali doona wadahadalada ay ku talisay beesha caalamku. Ka dib magacawgii gudiga Somalia, waxay Somaliland ka dhawaajisay inay ka noqotay hindisihii wadahadalada taas oo ay sababtay diidmo ay diidan yihiin laba xubnood oo ka soo jeeda Somaliland oo lagu daray gudiga madaxweyne Sheekh Shariif magacaabay.
Arrimahaas iyo waxa ka dambeeya wadahadalada labada qaybood ayaa waxaa lagu soo qaadey dood BBC-du wadaagsiisay Professor Axmad Ismaciil Samatar oo ah Madaxa Siyaasada ee Hiilqaran iyo Faysal Cali Waraabe oo ah siyaasi reer Somaliand ah.
Professor Samatar ayaa sideedaba ka biyo diidey qaabka iyo tayada shaqsiyaadka ka mid ah gudiyada labada dhinac soo magacaabeen isagoo hoosta ka xariiqay in labada gudi ee wada hadlaaya laga fogeeyo siyaasiinta oo loo igmado gudiyo madax banaan oo ka soo jeeda bulshada raydka ah.
Hoos ka dhagayso doodaas oo qiimaheega leh:
Dhagaso Doodii Somali iyo Somaliland





