INAALI LAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
TACSI TIIRAAYO LEH
Jahliyadada somaliyeed ee ku dhaqan Canada gaaran ahaan magaalada Ottawa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Reer Xaaji Colyahe iyo Reer Mubaarak ka dib geeridii naxdin xambaarsanayd ee ku timid wiilkoodii dhalinta yaraa ee Ramadaan Cali Xaaji Colyahe oo talaadadii 29 May ku geeriyoodey magaalada Ottawa ee Caasimada Canada. Jahliyada Soomaliyeed waxay Marxuunka Ilaahay uga baryayaan inuu janadiisii ka waraabiyo Aabo Cali Xaaji Colyahe( Cali Shiine), hooyo Ixlaan Mubarak iyo ehelkiisii kale oo aad u balaadhan Samir iyo iimaan ayaan Raxmaanka uga baryaynaa.
Marxuunka waxaa lagu aasay magaalada Ottawa khamiistii bishu may ahayd 31, 2012, aaskaas oo si weyn looga soo qayb galey. Ka dib aaska marxuunka waxaa hadalo wacyigalin ah qabriga dushiisa iyo gurigii tacsidu taal ka soo jeediyay Sheekh Maxamad Xuseen Hadi oo ka mid ah culumada soomaliyeed ee North Amerika.
Sidoo kale, Wadhaf News iyo qoreyaasheeduba waxau tacsi murugo leh u gudbinayaan dhamaan qoyska balaadhan ee Reer Xaaji Colyahe iyo Reer Mubarak waxaanan leenahay Ilaahay naxariistiisa ha idinku hagooga oo samir iyo iimaan buuxa ha inaga siiyo wiilkiinii Ramadaan oo Ilaahii lahaa u yeedhay, isagana janadii Farduusa Casiisku haka waraabiyo.
Ilaahay ha u naxariisto Ramadaan Cali Xaaji Colyahe , intuu u ka baxayna Rabigeen Samir iyo Iimaan ha ku hagoogo. Aamiin
Wadhaf News





