Dacartuba mar bay malab dhashaa aad muudsataa dhabaqe
Waxaan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle
Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode
Midi waa martida soora iyo maato daadihise
Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyu deebaaqe
Masalooyin talantanlliyaan maandhow leeyahaye
Nin majiiro keliyuun qabsaday hay malaynnina e
Mar baan ahay muddeec camal san oon maagista aqoone,
Marna macangag laayaan ahoo miiggan baan ahaye
Mar baan ahay muftiga saahidnimo mawlaca u galaye
Marna makhaawi waashoo xumaa miista baan ahaye
Mar baan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye
Ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane
Marna reer-magaal loofaaroon muuqan baan ahaye
Mar baan ahay nin xaaraan maqdaca marin jidiinkiiye
Marna tuug mu’diya baan ahoon maal Rasuul bixinne
Mar baan ahay maqaan awliyada maqaddin koodiiye
Marna mudanta shaydaanka iyo maal jin baan ahaye
Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye
Waxaan ahay nin midabbaynayoo maalinba is-roga e
Muuqaygu gelinkiiiba waa muunad gooniyahe
Muslinka iyo gaaladA dirkaba waan macne aqaane
Malaa’igta naartiyo jannadu waygu murantaaye
Nin intasoo mahadhooyin loo mooggan baan ahaye
Ninkiise maalmo badan soo jiree madaxu boosaystsy
Ama inuun rag miisaami jirey wuu i maan garanne
Nin kastow halkii kuu macaan oo ay muhato laabtaadu
Ama aadan madaddaaladeeda igala maarmaynin
Iska soo mar waa kuu mubaax marinkaad doontaaaye





